Muqdisho-KNN-Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta aya waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Abuukar Xasan Cadde oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen howlgal ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana waxaa uu qaabilsanaa Degmooyinka Hiriwaa iyo Yaaqshiid.