Somali News

Sarkaalkii lagu dilay Muqdisho dhowr habeen ka hor oo la aasay

Allaha unaxariisto waxaa Isbitaalka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed aas Qaran loogu sameeyay Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) oo 18-kii bishaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Xildhibaano katirsan labada gole ee dowlada Soomaaliyed, taliyaasha ciidamada qalabka sida, raisul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya, siyaasiin culama-udiin, odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Maxamaadey oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga.