Uncategorized

Sarkaalkii ONLF ee Qalbi dhagax Maxaa kala socotaa?

Muqdisho-KNN-Warar lagu kalsoonaan karo oo uu helay Radio Kulmiye ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka ONLF uu isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabo Cabdixakiim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) waxa uuna kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ururka ONLF. Muddadii ugu dambaysa waxa uu ku dhuumaalaysanaayey gudaha Soomaaliya.

Masuul sare oo magaciisa qariyay ayaa yiri “Qalbi Dhagax waxa uu lasoo xiriiray saraakiisha ugu sarraysa Hay’adda Sirdoonka Qaranka si loo keeno Magaalada Muqdisho. Maadaama uu sheegay in uu doonaayo in wada xaajood uu la galo Dowladda Ethiopia.”

Masuulku waxa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay si wayn usoo dhawaysay Cabdixakiim Sheekh, iyadoona baaritaan lagu sameeyey caaafimaadkiisa maadama muddo uu ku jiray nolol dhuumasho ah..

Xogta soo gaartay Radio Kulmiye ayaa sheegaysa in Qalbi Dhagax uu kalsooni wayn ka muujiyey dhex dhexaadinta DFS ay ugu jirto sidii ay isugu soo dhawayn lahayd isaga iyo Itoobiya maadama uu ka soo jeedo Ismaamulka Dowlad Degaanka Soomalida.

Warar aan Radio Kulmiye illaa haatan xaqiijin Karin ayaa sheegaaya in waan waanta ay waday Dowladda Soomaaliya ay gaba gabo maraayaan, waxaana lagu wadaa in si toos ah ay labada dhinac heshiis uga gaaraan Magaalada Muqdisho oo markii ugu horraysay tan iyo wakhti dheer lagu dhex dhexaadinaayo Itoobiya iyo Sarkaal kasoo horjeeda.