Somali News

(Sawir) Faahfaahin qaraxa ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  qarax gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano qooqanta.

Ma jirto ilaa iyo hada cid wax ku noqotay qaraxa  maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, maadaama gaariga qarxay uu yaallay Meel Wadada dhinaceeda ah oo aysan jirin cid saarneyd.

Sidoo kale waxaan la ogeyn cida iska leh gaari maanta qarxay.

Muuqalo laga soo qaaday qaraxa  ayaa muujinaya in uu ahaa mid aad u gubanaya Gaariga qarxay.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho.

Halkan ka Daawo Sawirada.