Uncategorized

SAWIRO-: Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka madaxda midowga Afrika ee ka socda Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka madaxda midowga Afrirka ee AU-da ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Shir-Madaxeedka oo ah Shirkii 30-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyey Madaxweynayaasha kasoo qeyb galay shirka, isagoo sidoo kale bogaadiyey hiigsiga Afrika ee sanadka 2063, kaas oo isku xiri doona Afrika, una yeeli doona awood dhaqaale iyo mid horumar.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda Soomaaliya isagoo u Madaxda shirka ka qayb galaysa u sheegay in Soomaaliya ay soo ka banayso, waxa uuna tusaale usoo qaatay hormaro laga gaaray Dagaalka Al-shabaab ee Soomaaliya ka socda.