Uncategorized

SAWIRO:- Farmaajo Oo Xariga ka jaray Garoonka Cusub Ee Magaalada Garowe.

Garowe-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

General Maxamed Abshir Muuse Oo looga magacdaray daroonkaan ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga sidoo kale wuxuu ka mid ahaa mas`uuliyiintii wax ka dhisay maamulka puntland, ayadoona maanta loogu magacdaray garoonka cusub ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana sidoo kale lafilayaaa inay sii socondoonan kulamada maadxweynaha soomaaliya uu layeelan doono madaxda iyo bulshadaba.