Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa Guddigaan kala hadlay arimo kala duwan oo ay ka midtahay arimaha Xajka oo maalmihii dambe cabasho ay ka muujinayeen Shacabka Soomaaliyeed kadib markii muran xoogan uu ka dhashay qaabka loo aadayo Xajka.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa xubnahaan faray in si deg deg ah looga jawaabo cabashada dadweynaha ee ku aadan arimaha Xajka.