Uncategorized

SAWIRO:-Madaxweyne Gaas oo Isbitaalka Garowe ku booqday Ciidankii ku dhaawacmay Dagaalkii Tukeraq.

Garowe-KNN-C-Wali Maxamed Cali “Gaas” ayaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal, sidoo kale ah Caasimada Maamulka Puntland ku booqdey Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukeraq.

C-wali Gaas ayaa waxaa la socday Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa waxayna mid mid u gacan qaadeen Ciidankii ku dhaawacmay Dagaalka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Madaxweyne Gaas ayaa Ciidanka Dhaawacyada ah u sheegay in laga war-qabi doono Islamarkaana aysan wax dhibaato ah la kulmi doonin sida uu hadalka u dhigay.

Gaas ayaa sidoo kale Ciidamada Dhaawacyada u sheegay in wali ay Puntland u baahantahay sidaas darteedna ay Xoogga saari doonaan iney daryeelaan Ciidanka u dhaawacmay Difaaca wax uu ugu yeeray Dalkooda balse uu ula jeeday deegaanka Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha isbitaalka kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.