Uncategorized

SAWIRO:-Shirkii looga hadlayay amniga Soomaaliya oo ka furmay magaalada Baraasalis

Muqdisho-KNN-Shir looga hadlaya amniga Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Baraasalis ee xarunta Midowga Yurub, shirkaas waxaa shir gudoominayo Ra`iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan Ra`iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo CabdiSaciid Muuse Cali, Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Amniga iyo xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa amaanka Soomaaliya waxaana soo qaban qaabiyay xafiiska arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, oo goobjoog ka ahshirka iyo xubna kale oo ka socda dalalka daneeya arimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa uu hordhac u yahay shir weyn oo isla amniga Soomaaliya looga hadlayo, waxaana shirkaas ka qeybgelaya waddamada taageera AMISOM.