Somali News

SAWIRRO:-Axmed Madoobe oo Maanta Kismaayo ka furay Shir looga hadlayo dhaqaalaha dalka.

Kismaayo-KNN-Shir looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa laga daahfurey magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland.


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayaa daahfurey shirka,waxaana shirka goob joog ka ah Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya.


Shirka waxaa maalgalinaya Midowga Yurub waxa uuna socon doona dhowr cisho.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Magalada Kismaayo ayaa la filayaa in uu soo xiro shirkaasi sida uu soo sheegayo wariyha KNN ee Magaalada Kismaayo Maxamed Qaasim Cali Waxar.