Somali News

Sawirro: Beesha Caalamka oo la shirtay Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho-KNN-Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan wadajir ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, sida lagu shaaciyey qoraalo ay baahiyeen dhinacyadu.

Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen wakiillada Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad  goboleedyada.

Kulankas ay wakiillada beesha caalamku xalay la yeesheen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday saacado kadib markii ay xubanaha beesha caalamku shir kale la yeesheen  Ra’iisul Waasaaraha xukuumadda xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Markii uu soo dhamaaday kulankii R/Wasaare Rooble iyo beesha caalamka ayaa qoraal uu baahiyey xafiiska Rooble waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhaba.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay isugu keeni laheed madaxda Soomaalida oo ku heshiin waayey hanaankii ay doorasho uga qaban lahaayeen dalkan, waxayna hadda caqabadda ugu weyn ka taagan tahay qabsoomidda shirweyne dhex mara madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si heshiis ay uga gaaraan kala aragti duwanaashaha jira.