Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa hada waxaa ay wadaan badbaadinta dad ku jira dhismayaal ku yaala wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Warbaahinta dowladda ayaa goordhow daabacday in sedex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa daqiiqo kadib la filayaa in ay la hadlaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoona u faahfaahin doono weerarkii xalay soo bilowday, islamarkaana saakay soo gaaray, kaasi oo ka socda Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Sawirro la soo qaaday ayaa muujinaya in bur bur xoogan uu soo gaaray dhismayaal ku yaala goobta uu weerarka ka dhacay.
Halkan ka Akhriso


