Cadaado-KNN-Ciidamada gaarka ah ee Madaxwayne Xaaf ayaa gudaha u galay magaalada Cadaado waxayna ku xaroodeen xarunta Madaxtooyada Cadaado halkaas oo uu dagi doono Madaxwayne Xaaf.
Xildhibaanadii ka socday labada Gole ee maanta gaaray Cadaado ayaa la sheegay in ay u amba bexeen dhanka deegaanka Godinlabe oo uu ku suganyahay Madaxweyne Xaaf, waxaana la sheegay in ay u wadi doonaan gudaha magaalada Cadaado.
Madaxweyne Xaaf oo safar dhanka lugtaa uga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa tan iyo shalay ku sugnaa deegaanka Godinlabe, waxaana la sheegay in la deji doono Madaxtooyada Cadaado.




