Somali News

Sawirro:-Ciidamada Xooga iyo kuwa Jubbaland oo ku wajahan Bu’aale.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Nawaaxiga degaanka Xagar oo u dhaw Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhaxe.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo la hadlay waraahinta ku hadashada afka Ciidamada ayaa sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda gobolka jubbada Dhaxe.

General Bogmadow waxa uu sheegay in ujeedka uu yahay in dagaalamayaasha Al-shabaab laga Xureeyo Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow ayaa tilmaamay in Magaalada Bu’aale ay hada kaabiga ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa jubbaland

Ugu Dambeytii general Cali Bogmadow ayaa Xaqiijiyay in Howlgalada ka Socda degaanada Jubbaland Al-shabaab looga guuleestay.