Somali News

Sawirro: Dagaal ka socda koofurta Mudug iyo ciidamo ku baxay

Bacaadweyn-KNN-Ciidamo ka socda qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa saakay gaaray tuulooyin ku dhaw dhaw deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, halkaas oo dagaaal culus uu ka socdo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxuuna ka socdaa tuulooyin isku dhaw-dhaw oo 20-KM koofur uga beegan deegaanka Bacaadweyn.

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday dadkaas oo dhamaantood xoolo dhaqato ah, kadib markii ay iska diideen inay bixiyaan waxa ay ugu yeeraan zekawaadka, sidoo kalena ay aad uga soo hor jeesteen in caruurtooda la askareeyo.

Ciidanka xoogga dalka oo ka baxay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa goor dhaw ku baxay deegaanada lagu dagaalamayo.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas waxay sheegeen inay gacan siinayaan dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Isgaarsiinta deegaanadaas ayaa aad u adag, waxaana aad u hooseeya xogaha laga helayo halka uu dagaalku ka socdo.