Muqdisho-KNN-Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ka socda diyaar garow ku aadan soo dhaweynta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerkii.
Ciidamada Bambeyda ayaa lagu arkayaa garoonka Magaalada Muqdisho, iyadoona sidoo kale ay goobta gaarayaan Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano.
Ciidamada amaanka ee dowlada soomaaliya ayaa diidaya dhaq-dhaqaaqa iyo isku socodka Gaadiidka ee wadooyinka Magaalada Muqdisho.

