Uncategorized

SAWIRRO:-Dowlada Talyaaniga oo Saraakiisha Ciidamada Xooga ku wareejisay Dawooyin iyo Qalab caafimaad.

Muqdisho-KNN-Safiirka Dowlada Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile ayaa qalab caafimaad iyo Daawooyin ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Generaal Bille Aadan Ibraahim ayaa safiirka ka Guddoomay deeqdani Qalabka caafimaad iyo Daawooyinka ee loogu talagalay Cisbitaalka Xoogga dalka.

Qalabkaan caafimaad oo ay ka mid yihiin Sheybaaro iyo Daawooyin loogu talagalay Cisbitaalka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka qaadaneysa sare u qaadida horumarinta dhanka Qalabka Caafimaad Cisbitaalka.

Dowladda Taliyaaniga ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka Horumarinta Ciidamada,iyadoo ka qeyb qaada dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.