Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo ka dhacay Xarunta Degmada Warta Nabada ee Gobalka Banaadir.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa NOHA, waxaana in la tilmaamay in lagu weeraray xarunta, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga qarxay uu dhex yaalay xarunta degmada degmada Warta nabada ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in xilliga uu qaraxa ka dhacay xarunta Degmada Warta Nabada halkaasi deeq raashiin ah loogu qeybinayay dad Barakacayaal ah.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay , iyagoona halkaasi ka bilaabay sidii ay ugu gurman lahaayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Xarunta degmada Warta Nabada.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maanta magaalada muqdisho uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo laga joojiyay imtixaanka dowladda.



