Somali News

(Sawirro) Faahfaahin qaraxyada ka dhacay Muqdisho

 Muqdisho-KNN- Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qaraxyo ka dhacay isgooska dabka ee Magaalada Muqdisho.

Labadii ruux ee watay gaadiidka qarxay ayaa waxaa la sheegay in ay geeriyoodeen, halka labo ruux oo  shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Weli  waxaa soconaya Gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelada Soo gaartay, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN Farxaan Maxamed Xuseen

Halkan ka daawo Sawirada  Qaraxyada ka dhacay Muqdisho