Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey.
Saraakiisha ugu sareeya ciidamada, macalimiinta xeradaas, diblomaasiyiin iyo madaxd kale ayaa ka qeyb galay xafladdaasi.
Munaasabbaddii tababarkaasi lagu soo xirayay ayaa uu khudbad ka jeediyay waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan.
Farmaajo ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.
