Uncategorized

Sawirro:-Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyada sanadkaan uu ku shaqeynayo Maamulkaas.

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Hirshabelle shalay ay la haayeen kulanka oo Ka Dhacay Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar  waxaana lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkaan 2018 uu ku shaqeyn doono maamulka.

Shirkani ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Wasaaradda Maaliyadda maamulka Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkani, iyadoo ay  ka koobantahay  dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha  caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud  $ 8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka Dowladda Hirshabelle.

“Miisaaniyadda maamulka Hirshabelle  waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doona, waxaana Wasaaradda Maaliyadda ay Sameysay bilow saldhig u ah horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha, Hirshabelle waxay amba qaadeysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kale duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh sidaasi waxaa yiri  Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ugu damayntii talaabadani  Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabelle ku meelmariyeen Miisaaniyada 2018 taasi oo ka dhigan markii u horeysay in Hirshabelle Miisaaniyad ay yeelatay.