Somali News

SAWIRRO:- Jubbaland oo Sheegtay in Shabaabkii soo weeraray ay dileen.

Kismaayo-KNN-War lagu daabacay Warbaahnta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay weerarkii saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Waxaa ay soo xiganaysay  saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland,waxaa ayna sheegeen in weerarkii saakay ay khasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

“Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn”. Sidaasi waxaa lagu baahiyay warbaahinta Ku hadasha Afka Maamulka Jubbaland.