Somali News

Sawirro: Kulan hadda Muqdisho uga socda Sheekh Shariif iyo gudoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Shir u dhaxeeya Sheekh Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa hadda ka socda hoyga guddomiye Cabdi Xaashi waxaana ku wehliya xubno uu ka mid yhaya Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka baaqday safar uu maanta ku aadi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu shalay madaxweynaha Galmudug u diray warqad uu uga cosdanayo in lagu casuumo shirka Dhuusamareeb.

Xogta aan helnay waxay tilmaameysa in sababta uu uga baaqday safarkaas ay tahay inuu jawaab ka waayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo uu xalay warqad u diray.

Warar kale ayaa sheegaya in isla xalay shirkadaha duullimaadyada lagu amray in aysan soo qaadi karin guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi, xariiro aan la sameynay guddoomiyaha weli kuma aanaa helin.