Somali News

SAWIRRO:-M/Gobalka Banaadir oo howlo bur burin ah ka sameeyay Waabari.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa  waxaa uu  saakay kormeer ku tagay degmada Waabari oo ka socotay howlgal burburin ah, kaasi oo lagu sameeynayay goobo sharci daro oo ku yaala degmadaasi.

Waxaa uuna howlgalka Bur burinta laga sameeyay  Waaxda Oktoober ee Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo celinta Hantida dadweynaha iyo goobaha muhiimka ah ee loogu tala galay in loogu adeego bulshadda.

Halkan ka Daawo Sawirada