Somali News

Sawirro:-Madaxweyne Dani oo kulan la qaatay Isimada dhaqanka gobolka Mudug

Gaalkacyo-KNN-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha kala maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka.

“Madaxweynha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Dani ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira“.

“Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in maamulkiisu uu wax badan ka qabanayo baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga” Ayuu yirin Afhayeenka Puntland Jaamac Dabaraani.