Somali News

SAWIRRO:-Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah la qaaday Saraakiisha Amniga.

Madaxweynaha la doortay ee  Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa saacado kadib doorashadiisii waxaa uu Maanta kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga Maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland, sida laga soo xigtay Madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland.

Inta badan kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta xaaladda ammaanka Puntland, taas oo qeyb ka aheyd balaan qaadkii Madaxweyne Deni xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magaalada Garoowe ee ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo.

Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan.