Somali News

SAWIRRO:-Madaxweyne Waare iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Beledweyne.

Beladweyne-KNN-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaana halkaasi uga sii horeeyay Ammaan-duulaha Milatariga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato hogaanka maamulka HirShabeelle ee gobalka Hiiraan iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka socda milatariga Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa gobalka Hiiraan.

Gobalka Hiiraan ayaa lagu wadaa inuu ka mid noqdo gobalo maalmaha soo socda la qorsheynayo iney ka bilaawdaan Howlgal milatari oo ay sameynayaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.