Somali News

Sawirro: Militeriga Soomaaliya oo la wareegay deegaano hoos taga Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanno dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada ay ku raad joogaan kooxihii weerarka shaley ka fuliyay deegaannada dhaca koonfurta magaalada.

Shalay ayay aheyd markii kolonyo milatariga Soomaaliya ka tirsan oo maraysay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qaaday weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanka Sinadhaqo oo Koonfur uga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Illo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan qaybta 21-aad lagu dilay dagaalkii shalay.