Muqdisho-KNN-Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa xalay waxaa uu ka dhacay degaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.
Saraakiisha Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Somaliland ay hub ka soo furteen, Islamarkaana waxaa ay tilmaameen in weerarka ay ku qaadeen Ciidanka Somaliland uu ahaa mid ay wada u geleen.
Sidoo kale Saraakiisha Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka dhacay agagaarka degaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.
Weli kama hadlin Somaliland dagaalka ka dhacay Degaanka Tukeraq ee Gobalka Sool, kaasi oo Puntland ay guullo ka sheegatay.
Halkan ka Daawo Sawirada.





