Somali News

Sawirro:-Qatar gaadiid dagaal ku wareejisay Dowladda Soomaliya

Muqdisho-KNN-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay dowlada Qatar kala wareegtay qaar ka mid ah Gaadiidka nooca gaashaaman oo loogu talo galay Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Tirada gaadiidka ay maanta dowlada la wareegtay ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 68 gaari.

Goobta ay munaasabada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo taliyaha ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) sidoo kale waxaa madasha joogay masuuliyiin ka socday Dowlada Qatar.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) aya dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada ay marwalba la garab taagan tahay soomaaliya iyo Gaadiidka nooca gaashaadhaan oo ay Maanta ugu deeqday, isagoona wasiirka Sheegay in dagaal adag ay la gali doonaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab. 

Gaadiidkan gaashaan ayaa  loogu tala galay in ay adeegsaddaan ciidamada Militariga Waqtiyada ay dagaalka adag kula jiraan Dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoona ay xusid mudan tahay dowlada Qatar ay dowlada Soomaaliya ka taageerto dhinacyada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.