Somali News

Sawirro: Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay madaxweynayaashii hore iyo Kheyre

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo gelinkii dambey ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh.

Qoor Qoor ayaa ugu horeyn hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxuuna la yeeshay kulan saacado qaatay, kaas oo ay uga arrinsanayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo hadda aad u cakiran.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa markii uu ka tegay Xasan Sheekh waxuu mar kale hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed.

Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maareyn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku maraayo.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta uu xalay madaxweyne Axmed Qoor Qoor ku booqday hoyga ay ka degan yihiin Muqdisho.

Xaaladda siyaasdeed ee Soomaaliya ayaa cirka isku shareetay markii ay dowladdu hor istaagtay banaanbaxyo ay soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ah.

Sidoo kale waxaa jira dib u dhac weyn oo ku yimid shirkii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo, kaas oo loo asteeyey inuu qabsoomo 18-kii illaa 19-kii bishan.

Hadda waxaa Muqdisho ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, K/Galbeed iyo duqa Muqdisho, kuwaas oo xalay kulan gaar ah madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Farmaajo.

Waxaan illaa hadda Muqdisho imaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo shalay u yeertay guddiyadii uga qeyb galay shirkii Baydhaba, isla markaana shaki geliyey ka qeyb galka shirkaas lagu qabanayo Muqdisho, iyagoo u sababeynaya wixii dhacay Jimcihii.

Warar aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in shirkaas la furo saacadaha soo socda, balse waxaan la ogeyn inay imaan doonaan madaxda Jubbaland iyo Puntland iyo in madaxda inta joogta oo kaliya uu u furmi doono.