Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa oo xalay fiidkii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday darawalka Xildhibaanka, waxaana gaariga uu noqday mid gebi ahaanba gubtay iyadoona Gaarigaasi noociisa ahaa Toyoto Hillux oo ay Soomaalidu u taqaano Qooqan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaawaca xildhibaanka uu xooggiisa yahay qeybta dambe ee jirkiisa isagoona markii dambe loola cararay isbitaalka digfeer ee maagalada muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed, waxaa la sheegay inuu horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii dalka soo maray.
Ra’isal wasaaraha xukuuamdda soomaaliya xasan cali kheyre iyo gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed mursal sheikh cabdiraxmaan ayaa ku booqday isbitaalka digfeer halkaasi oo la dhigay dhaawca xildhibaan Maxamed mursal maxamuud.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ee xukuumadda soomaaliya Aadan Isaaq ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray Xildhibaan Booroow isagoona markii dambe sheegay in laamaha amaanka dalka ay baadi goob ugu jiraan dadka ka dambeeyay qaraxa uu ku dhaawacmay Xildhibaan Booroow.
Qaraxan ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xili maalma ka hor madaxweynaha maamulka Hirsghabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digay xildhibaanada barlamaanka soomaaliya in ay feejignaadaan, isagoona ka deeriyay amniga magaalada muqdisho.
Halkan ka Daawo Sawirada.



