Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu Booqday Xarunta Tiyaatarka qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.
Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.
Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u booqday Xarunta Tiyaartarka Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka.




