Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada reer Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Galmudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Galmudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed.
Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Galmudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Galmudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Galmdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmdug.





