Muqdisho-KNN-Dowladda Suudaan ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiir cusub oo ay u magacaawday dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha siyaasadda dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Khartuum.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maxamed Isxaaq Ibraahim u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan.







