Somali News

Sawirro Sarkaalkii ilaalada gaarka u ahaa Boqorka Sacuudiga oo la dilay

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Jeneral C/casiis Alfagam ayaa warbaahinta Sacuudiga ay sheegtay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu muran dhex maray nin ay saaxiibo ahaayeen, wuxuuna ka dhacay Guri ku yaalla magaalada Jiddah, iyadoo markaasi kadibna ay ciidamada amniga toogteen ninkii dilka geystay.

Jeneraal C/casiis Alfagam ayaa ilaalo gaara ah u ahaa Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, isagoo aan marna ka hari jirin boqorka, waxaana dilkiisa ka dhashay dood badan oo ku saabsan qaabka uu nin kale ugu dilay guriga saaxiibkiis, iyo sababta ay ciidamada amniga ugu sugnaayeen gurigaasi.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in Jeneraalka oo dhaawac halis ah soo gaaray loo qaaday Isbitalka Boqor Feysal, halkaasoo uu ku dhintay daqiiqado kadib, Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayaa dalka sacuudiga.