Somali News

SAWIRRO:-Shariif Sheekh Axmed oo xisbi loo diiwaan geliyay.

Muqdisho-KNN-Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore eeSoomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxaa diiwaan geliyay GuddigaMadaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka.

Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in Xisbigan uu  ka mid noqonaya in ka badan 35 Xisbi Siyaasadeed oo dhawaan ay gudiga Shahaadooyinka Xisbinimo  siiyeen.

Xisbigan uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa xiligan ku jira siyaasiyiin horey  xilal ugu soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya.

2020 ayaa la filayaa in xisbiyada siyaasadeed ay ka qeybgalaan Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya.