Uncategorized

SAWIRRO:-Shir looga hadlaayo Amaanka M/Galmudug oo ka Furmay Dhuusamareeb.

Dhuusa-Mareeb-KNN-Shir looga hadlayo amaanka deegannada Galmudug ayaa maanta ka furmay magaalada dhuuso-mareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

Shirkan oo socon doono muddo saddex maalin ah ayaa waxaa furay madaxa xukumadda Galmudug sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, waxana goob joog ka ah  Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Galmudug, qodobada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii dib loogu xoreyn lahaa deegannada ka maqan Galmudug,isku dhafka ciidamada labad dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna oo dhawan midoobay, iyo ariimo kale.

Shirkaan oo lafilyo in uu socdo muddo sedax maalin ah ayaa waxaa lagu gurfeyn doonaa qodobo kala duwan oo la xariira guud ahaan amaanka deegaanada Maamulkaasi.