Somali News

Sawirro:- Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay Amniga iyo Covid-19.

Garoowe-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedkaasi. 

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.

Waxaa todobaadkan looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, heerka COVID-19 ee Puntland, warbixinta Gobolada Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.