Somali News

Sawirro: Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xarigga ka jaray xafiiska cusub

Muqdisho-KNN-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa lagu sheegay qoraalka inay salka ku heyso horumarinta tayada dhismayaasha dalka iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo, si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaan waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka.

Mahdi Guuleed ayaa ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, waxuuna shirkadda dhismaha wada kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa sheegay in dowladd ay ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bad-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.