Uncategorized

SAWIRRO:-Xubno ka socda Q.M oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Dhuusa-mareeb-KNN-Xubno ka socota Qaramada Midoobay, ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xubnahaan ayaa u badnay Saraakiil qaabilsan oo dhanka ammaanka waxaa socdaalka ay ku gaareen Dhuusamareeb uu ku qotomaa sidii ay ugu aragtiya dhiiban lahaayeen shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb kaas oo looga hadlayay amaanka, sidii dagaalamayaasha Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin iyo arimo kale.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Axadii todobaadkaan Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirkaan amniga looga hadlaayo, ee maanta lagu wado in halkaasi lagu soo gaba gabeeyo.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaasi Saraakiil ka tirsan Amisom iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug, iyadoo lagu gorfeynaayay sida ugu haboon ee Shabaab looga saari karo dhulka ay ku sugan yihiin ee deeganada Galmudug.

Shirkaan ayaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo qodobana laga soo saaro kuwaas oo inta badan ka dhan noqon doono Al-shabaab oo ku wajahnaan doono sidii loo saari lahaa.