Somali News

(Sawirro)Askar ka soo baxay furin ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab oo Xukun lagu riday.

Muqdisho-KNN-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday 12  askari oo soo  faarujiyay aagga deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Askarta ayaa waxaa lagu eedeeyay in  ay  ka soo baxeen  aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay in askartan ay sameeyeen amar diido, islamarkaana  ay ka soo baxeen aag dagaal oo ku yaala deegaanka Dhanaane.

Qareenada u doodayay  eedeysanayaasha ayaa  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa  qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Maxkamadda  ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa warbaahinta u sheegay in askartan xukun lagu riday, islamarkaana waxaa lagu soo eedeeyay  amar diido ay sameeyeen, iyo in ay ka soo baxeen aag dagaal oo ku yaala deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maxkamada ciidanka Qalabka sida ayaa badanaa waxaa xukuno ku ridaa Askarta ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayasha  ka tirsan Al-Shabaab.

Halkan ka akhriso