Somali News

(Sawirro)Askari dhac u geysan jiray shacabka Muqdisho oo maanta xukun lagu riday.

Muqdisho-KNN- Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta ayaa waxaa ay xukun ku riday Dable Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi oo ka mid ahaa askarta booliska Soomaaliya.

Askari ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu dhac ka geysan jiray agagaarka xaafada  jaamacadaha ee  degmada Hodan  xilli  dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa  u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadahaasi wada u gali jiray.

Maxkamdda oo  u fariisatay  dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha ayaa waxaa ay dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa  lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun, tusaala u noqon karo kuwa weli dhaca u geysanaya Shacabka degan Gobalka Banaadir.

Maxkamadda ciidamada qalabka ayaa ugu dambeyntii  waxaa ay go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi  (8)-sano oo xabsi ciidan ah.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askarigan uu dhibaato ku hayay shacabka ku nool xaafadaha degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maal mahan waxaa ku soo batay kooxaha burcada ee dhaca u geysanaya dadka Shacabka, iyadoona ay xusid mudan tahay Ganacsatada Suuqa Bakaraaha ay qaati ka taagan yihiin Burcada, iyadoona Cabsi badan ay soo wajahday Shacabka ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir.

Halkan ka daawo Sawirada.