Guddiga maaliyadda, iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).
Masuuliyiintii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.
Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.
Halkan ka Daawo Sawirada.




