Boosaaso-KNN-Ciidamada Amaanka Puntland ee Ku sugan Magaalada Boosaso ayaa wada howlgalo baaritaano ah ay ku soo qabanayaan koox hubeysan oo xalay dil ka geystay gudaha Magaaladaasi.
Dilka ayaa waxaa loo geystay laba wiil dhalinyaro jaamiciyiin ahaa kuwaasi oo la sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ka qalin jebiyeen Jaamacada Bariga Africa qeybteeda Magaalada Boosaaso.
Wiilasha la dilay ayaa waxaa lagu kale magacaabayay Abdirizak Hassan barre iyo Abdikariin Abdikadir waxaana ay barteen kuliyada kuliyada maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga iygaoo Dufcaddii 27aad Ee Dhamaysey June 2018.
Lama Oga Sababta xiligan ka dambeysay dilka dhalinyarada waxaana la sheegay in ay sxbow dhow ahaayeen,walow aan la garan karin xiligan cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilkaasi.
Saraakiisha ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa weli wada baaritaanka lagu soo qabanayo kooxa dilka ka dambeeyay walow aan ilaa iyo xiligan cidna loo soo qaban fal dambiyeedka dilka ah.
Waa markii ugu horeysay ee laba dhalinyaro jaamiciyiin ah sidan loogu dilo magaalada Bosaaso,mana jirto cid sheegatay Dilka Marxuumiintaasi,iyadoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Gobalka iyo Kan Degmada oo Arimahan Dilkaasi ka hadlay.
Halkan ka daawo Sawirada.