Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobalkka banaadir Eng Cabdi Raxmaan Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta burburiyay guryo si sharci daro ah looga dhistay degmada waabari ee Gobalka Banaadir, kuwaasi oo horay loogu digay balse dhegaha ka fureeystay amarka maamulka.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu digniin u diray shacabka Ku nool magaalada Muqdisho, isagoona uga digay in ay xoog ku haystaan goobta danta guud iyo Meelo sharci daro ah ay guryo ka dhistaan.
Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta,isla markaana aan la ogolaan doonin in dhul sisharcidarro ah loo bur buriyo.
Dhawaan ayey aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu digniin u diray dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana laga burburin doono goob walba oo dhisme sharci darro ah ay ka sameeyso.
Halkan ka Daawo Sawirada.





