Muqdisho-KNN-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka uu ka furmo Magaalada Caasimada ee Muqdisho.
Wadamado badan oo ka socda Dalalka Islaamka ayaa shalay Soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana shirka ka qeyb galaya 15 wadan.
Dalalka ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah.
- Azerbaijan.
- Brunei
- Djibouti
- Egypt
- Gabon
- Iran
- Kuwait
- Malaysia
- Pakistan
- Qatar
- Saudi Arabia
- Sudan
- Turkey
- UAE
- Yemen
Wufuudda ka soo qeyb galaysa shirkan ayaa diirradda ku saari doonta kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen, iyadoona shirka uu ka dhacayo xarunta Xalane ee Muqdisho.




