Uncategorized

(Sawirro)Wasaarada Maaliyadda oo markii ugu horeysay Biloowday in si Electonic ah loo diwaangaliyo Mushaaraadka Ciidamada Xooga Dalka

Muqdisho-KNN-Wasiirka Maaliyadda XFS  Md Cabdiraxmaan ducaale Beyle ayaa Maanta Daahfuray Diwaangalinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya  Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono AKOONKIISA gaarka ah.

Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Diwaangalinta Ciidamada Xooga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Halkan ka daawo Sawirada: