Somali News

(Sawirro)Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay Shirka 2-aad ee Afrika iyo Turkiga

Muqdisho-KNN-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa iyo Turkish Business Forum oo ay joogaan Wasiiradda Ganacsiga Africa iyo Turkey, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga ee Turkey oo ay ka wada hadleen sii xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa  in waxsoosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Halkan ka Akhriso