Muqdisho-KNN-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba gabeysay dacwada 5 rag ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,kuwaas oo dhageysiga dacwadooda ay mudo soo socotay,iyadoona ugu dambeyntii maxkamada Ciidamada ay Xukun xabsi ah ku riday ragaasi.
Dadka ay maanta xukunka ku riday maxkamada ayaa waxaa ay kala ahaayeen.
1.Abuukar Cabdi Abiikar
2.Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon
3.Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed
4.Cabdi Cali Isaaq Cilmi
5. Ilyaas Ciise Sheekh Cali
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa ragan waxaa ay ku eedeeysay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale in ay qeyb ka ahaayeen kooxaha inta badan weerarada ka fuliya saldhigyada Ciidamada amniga ay ku leeyihiin duleedka iyo gudaha Magaalada Muqdisho, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida waxaa ay Xukuno ku ridaysay raga lala xiriirinaya in ay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

